25.5 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Sawirro: Kheyre oo la kulmay xildhibaanada BF Somalia (Muxuu kala hadlay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Kheyre ayaa kullan la qaatay Xildhibaanada BFS ee shalay ansixiyay Golaha Wasiirada.

Kheyre iyo Xildhibaanada ayaa kuwada casheeyay Villa Somalia, waxa wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda.

Inta lagu guda jiray Cashada ayuu Ra’isul wasaaraha ka dalbaday Xildhibaanada inay la shaqeeyan Wasiirada Xukuumada cusub ee Somalia.

Waxaa ku sugnaa Casho sharafta ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.

Kheyre waxa uu sheegay in DFS aysan waxba qabankarin marba haddii ay caqabad kala kulmeyso BFS, waxa uuna ku baaqay in maslaxada gaarka ah laga hor mariyo tan guud.

Ujeedka Golaha shacabka loo aasaasay ayuu sheegay inay tahay in lagu saxo khaladaadka jira, balse aysan aheyn in lagu khaldo nidaamka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News