25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Khilaaf ka dhex taagan Somaliland xilli laga carooday bah-dilkii SIILAANYO ee Jabuuti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa dhowaan kasoo laabtay magaalada Jabuuti ee xarunta Jabuuti si uu kaga qeybgalo Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Booqasho kadib ayaa waxaa soo baxeysa in Madaxweyne Siilaanyo lagu soo dhaweeyay Fadhi aan munaasab aheyn, islamarkaana Wakiilada maamulka Somaliland ay isku Khilaafeen Habmaamuuska Axmed Siilaanyo.

Wakiilada qaar ayaa sheegay in Siilaanyo uu hoos u dhigay Cisiga iyo sharafta maamulka, halka qaarna ay sheegen inuu kor u qaaday maqaamka maamulka.

Habmaamuuska Siilaanyo ayaa waxaa sidoo kale dhaliilay Wasiiro hore iyo Siyaasiyiin kuwaasi oo sheegay in Somaliland uusan soo marin Madaxweyne lamid ah Siilaanyo oo ku tuntay Sharafka maamulka.

Cabdillaahi Jaamac Cismaan ”Geeljire” oo muddo laba jeer xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in Dowlada Jabuuti ay bahdishay Madaxweyne Siilaanyo, taasina ay mudan tahay in wax laga weydiiyo Jabuuti.

Geeljire waxa uu sheegay in Dowlada Jabuuti uu ku dhaliilayo qaabka ay u qaabishay Madaxweyne Siilaanyo, markii uu ka qayb galay xafladii caleemosaarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Geeljire, oo iminka ka tirsan guddiga aqoonsi raadiska maamulka Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay habmaamuuskaas lagu qaabilay Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid ay aad uga xumaadeen shacabka Somaliland.

“Waxay ahayd hadaynu marti u ahayn inuu ina siiyo maqaamka soo dhawayneed ee uu siiyay madaxda kale, may ahayn inuu meel isku dhex jir ah oo shicib iyo dad kaleba fadhiyaan uu Madaxweynaheena fadhiisiyo.”

Cabdillaahi Geeljire, wuxuu intaas raaciyay oo uu shacabka reer Somaliland dareensiiyay in mararka qaar ay waxan oo kale dhacaan balse ay ku baranayaan Khibrado, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxaa habmaamuuskaasi dhaliil ka keenay Mudanayaal kale oo ka tirsan Wakiilada maamulka Somaliland oo Madaxweynaha Dowlada Jabuuti ugu baaqay in raali galin uu ka bixiyo.

Haddalka iyo Khilaafka ka taagan Habmaamuuska ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo mudooyinkaani wanaagsaneyn xiriirka Siyaasadeed ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland.
cileemasaar1

cileemasaar2

cileemasaar3

- Advertisement -

Read more

Local News