Sawirro: Kulan aan loo kala harin oo loogu duceeyey xildhibaan Aamina oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka socda kulan duco ah oo loo sameynayo Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo 23-kii bishaan lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka Jawaari, Cabdi Xaashi iyo Abshir Bukhaari, xildhibaano, wasiirro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Muqdisho ayaa caawa ka qeyb galay kulankaas.

Kulanka oo dhamaan masuuliyiinta ka qeyb gashay ay hadallo ka jeedinayaan ayaa waxaa marxuum Aamiina Maxamed loogu sameeyey qur’aan akhris, iyadoo Alle looga baryey inuu u naxariisto.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaan ka soo muuqan kulankaan oo ahaa mid tacsi ah, qaban qaabadiisuna ay socotay todobaadkaan oo dhan, lamana oga sababta ka dambeysa in Farmaajo uu ka baaqdo madashaan loogu duceynayo AUN Xildhibaan Aamina Maxamed.

Hoos ka eeg Sawirrada kulankaas