DF oo keentay hanaan casri ah oo lagu diiwaan gelinayo ganacsiyada dalka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad ay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya maanta ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah loogu daah furay in hab online ah lagu diiwaan geliyo ganacsiyada Soomaaliya, loo qaato shatiyada, loo qabsado magacayada ganacsi iyo in lagu cusbooneysiin karo shatiyada habka online-ka ah.

Waxaa munaasabadda ka qeyb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirka ganacsiga, wasiiru dowlaha ganacsiga, wasiirrada Dekadda, Xanaanada xoolaha, wasiir ku xigeenka maaliyadda, agaasimaha wasaaradda ganacsiga, wasiirro ka socday maamul goboleedyada, xubno ka socday Baanka Adduunka (World Bank)  iyo mas’uuliyiin kale, waxaana dhammaan ay guul iyo tilaabo loo baahnaa ku sifeeyeen hanaanka la soo kordhiyay ee ganacsiyada Soomaaliya loo diiwaan gelinayo.

Habkaan online-ka ah ee lagu diiwaan gelin doono ganacsiyada ayaa agaasimaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha XFS Cabdicasiis Ibraahim Aadan waxaa uu sheegay in durba lagu diiwaan geliyay ugu yaraan hal kun ganacsiyo kala duwan ah.

Wasiirradii ka socday Dekadda, xanaanada xoolaha iyo maaliyadda waxay dhankooda sheegeen in adeeggaan cusub uu bulshada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee doonaya in ay ganacsi ku yeeshaan Soomaaliya uu siinayo fursado qaali ah.

Guddoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga Cabdiraxmaan Karaani oo ku hadlayay magaca ganacsatada ayaa waxaa uu sheegay in barnaamijkan diiwaan gelinta casriga ah uu yahay mid ay ganacsatadu baahi badan u qabeen, isagoo ku amaanay wasiir Khaliif iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo khudbad qoto dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa ugu horeyn sheegay in muddo ay ka soo shaqeynayeen hanaankan cusub ee diiwaan gelinta ganacsiyada, waxaana uu intaasi ku daray in ganacasatada loo fududeeyay diiwaan gelinta ganacsiga iyo ruqsad u qaadashada.

Wasiir Khaliif wuxuu kaloo sheegay in dowladda ay marwalba u taagan tahay sidii ganacsiga Soomaaliya loo hormarin lahaa.

Habkaan cusub casrigana ah ee diiwaan gelinta ganacsiyada Soomaaliya ayaa ka dhigan in xilligaan wixii ka danbeeya ay dad badan oo gudaha dalka iyo dibadda jooga u sahlanaan doonto in iyaga oo aan tagin xarunta wasaaradda ay diiwaan gasha karaan ganacsiyadooda, una dalba karaan ruqsad iyo howlaha lamidka ah ee ganacsiyada muhiimka u ah.