Sawirro: Kullan aan loo kala harin oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya, culumaa’uddiin, ayaa maanta soo dhaweeyay go’aanka golaha wasiirrada uu xayiraadda ugu qaaday ganacsade Axmednuur Cali Jimcaale.

Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax ayaa sheegay in Axmed-nuur la dulmiyay, isla markaana aysan sax ahayn xanibaadda caalamka uu ku soo rogay ganacsadaha iyo hantidiisa.

Wuxuu tilmaamay in aysan oggolaan doonin in la lunsado xaqa muwaadiniinta Soomaalida, isagoo ugu baaqay golaha ammaanka inay aqbasho codsiga golaha wasiirrada.

Guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliya Dr Bashiir Axmed ayaa sheegay in Axmed-nuur Jimcaale uu kaalin mug leh ka qaatay ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo xusay in xannibaadda ay tahay mid wax u dhimaysa horumarka Soomaaliya.

Dr Bashiir ayaa codsiga golaha wasiirrada ku sheegay mid wax tar u leh bulshada iyo horumarka dalka.

Golaha wasiirrada ayaa 22-kii bishan ka codsaday golaha ammaanka ee Qaramada midoobay iney xayiraadda ka qaato ganacsadaha oo horey loogu eedeeyay inuu taageero argagixisada.

Sawirro

axmed nuur 1axmed nuur 2axmed nuur 3axmed nuur 4

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com