25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

SAWIRRO: Kullan aan loo kala harin oo Xamar ka dhacay & General caan ah…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Cabdi Xakiin Daahir Saacid oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa kulan balaaran oo qado iskugu keenay sareeyayaashii iyo saraakiil sare ee ciidamadda qalabka sida oo xilal muhiim ah kasoo qabtey iyo kuwa iminka xilal ka hayo, xubno kale oo ku jiraan wasiiro, xildhibaano, qeybaha bulshadda oo ka muuqdeen Isimo, Aqoonyahano, bulshadda rayidka iyo bahda saxafadda.

Kulanka oo ahaa mid aad u muhiim ahaa oo la isku xog wareystay waxa kalmado kala duwan kasoo jeediyay Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhiga Jen. Maxamed Sheekh, Taliyaha ciidamada xoogga Dalka Jen. Dahir Indho Qarsho iyo Jen. Jama Mohamed Qaalib.

Waxa kale oo kulanka ka hadlay taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xakiin Daahir Saacid oo uga mahad-celiyay xubnaha qadada kasoo qeyb galay, oo u sheegay iney tahay mid muhiim ah in la xasuusto saraakiisha iyo sareeyayaasha dalkooda usoo shaqeeyay, isagoo kulanka ku tilmaamay mid fursad ay iskugu heleen xubno bulshadda ku muhiim.

Xubnihii kasoo qeyb galay kulanka ayaa waxa ku jirey Jeneraallo ay ka mid yihiin Jen. Jaamac Maxamed Qaalib, Jen. Axmed Jaamac, Jen. Maxamed Adan, Jen. Bashiir Jaamac, Jen. Bashir Ali America, Jen. Siciid Axmed Kediye iyo Jeneraallo kale oo badan. Waxaa iyaguna kulanka joogay Taliyayaasha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Badda iyo Ciidanka Cirka. Xubno ka tirsan xukuumadda oo ku jireen Wasiirka Difaaca, Wasiirka Kalluumeysiga, Wasiirka Tacliinta Sare, Wasiirka Biyaha iyo Wasiirro hore sida, Cali jaamac Jamngeli, Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Xildh Maryan Cariif, Xildhibaan Dahir iyo marti kale oo isimo, Aqoonyahano iyo Marti Sharaf kala Duwan iskugu jirtey.

saraak (1)saraak (2)saraak (3)saraak (4)saraak (5)saraak (6)saraak (7)saraak (8)saraak (9)saraak (10)saraak (11)saraak (12)

- Advertisement -

Read more

Local News