Nairobi (Caasimada Online)-Warbaahinta caalamka ayaa baahisay Sawirro laga qaaday Milkiilaha shirkada Facebooka Mark Zuckerberg xili uu ku guda jiray Jimic bixsi.
Milyineerkaani ayaa Sawirada laga qaaday isagoo dhabarka danbe ku sita Canug yar oo uu dhalay isla markaana ku howlan jir dhis uu inta badan is ticmaalo Milkiilaha Facebook.
Mark Zuckerberg ayaan looga baran xiliyada uu ku howlan yahay Jimic bixsiga isagoo wada Canuguusa, waxa ayna Sawiradaani iminka noqonayaan kuwo aad loogu hadal hayo baraha bulshada.
Mark Zuckerberg ayaa Sawiradaani laga qaaday xili ay la socdeen ilaalo gaar ah kuwaa oo qudhooda ahaa kuwo la yaaban dhaqanka cusub ee uu sameeyay Mark Zuckerberg.
Canugaani uu dhabarka danbe ku wado Mark Zuckerberg ayaa la sheegay inuu yahay canugiisa oo lagu magacaabo Max.
Mar wax laga weydiiyay talaabadaani cusub ayuu sheegay inay tahay mid Canuga yar uu ku baraayo sabarka iyo ad adeega.
32 jirkaani ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay in qoyskiisa ay noqdaan kuwo ka dhisan jirka isla markaana xamili kara dhibka.