Sawirro: Maamulka gobolka Banaadir oo burburiyay dhismo sharci daro ahaa oo maamuladii hore ku wareejiyeen shirkadda ECO

Muqdisho (Caasimada Online)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burburiyay dhismo shirkadda ECO ay ka dhistay barxadda Piazza Libera ee degmada Xamar Jajab, kaasoo muran badan uu ka taagnaa sharci ahaantiisa.

Amar kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa lagu burburiyay dhismaha Piazza Libera ay dhisatay shirkadda ECO.

Maamulkii hore ee Taabit iyo kii ka horeeyay Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u kala ogolaaday shirkadda ECO inay dhisato dhulka Piazza Libera ee barxada Ceel-gaabta, waxaana muran uu ka dhashay sharci ahaanshahiisa lagu joojiyay amar kasoo baxay madaxweynaha.

“Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, kaddib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, wuxuuna yahay weli mid dan guud, Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dowladda la bixin karin, iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ayaa digniin adag u diray shaqsiyaadka iyo shirkaddaha degan dhulalka danta guud, gaar ahaan jardiinooyinka iyo xarumaha dowladda inay sida ugu dhaqsaha badan u banneeyaan, ciddii ka dhega adeegtana awooda dowladda loo adeegsan doono.