25.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Sawirro: Madaafiic lagu garaacay iskuul ku yaal Muqdisho iyo caruur lagu dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro Madaafiic ah ayaa waxa ay goordhow ku dhaceen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Madaafiicda ayaa la sheegay inay ku dhacday Iskuulka Xasan Qariidi oo ku yaalla Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Labo kamid ah Madaafiicdan ayaa ku dhacay xero ay dagan yihiin dad barakacayaal ah iyo Iskuulka Xasan Qariidi oo ku yaalla meel aan sidaa uga sii fogeyn Xarunta Degmada Howlwadaag.

Madaafiicda ayaa waxaa ku dhintay Gabar da’ yar, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 6 ruux oo ay ku jiraan Carruur iskooleey ah.

Madaafiicda ku dhacday Iskuulka ayaa burbur xoogan u geystay Iskuulka, waxaana la soo sheegayaa in dadka ugu badan ee dhaawacmay ay yihiin arday.

- Advertisement -

Read more

Local News