Ma todobaad baa inaga xiga in uu dagaal ka dhex billawdo Kuuriyada Woqooyi iyo USA?

Haddii aad eegto baraha bulshada, waxa ugu badan ee isbuucan laga hadlayay ayaa ah in lagu dhowyahay in Dagaal Seddaxaad uu dunida ka bilowdo.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un waxay waqtigooda ugu badan ku bixiyeen isu hanjabaad u muuqata in militari la isu adeegsanayo.

Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaa tan iyo markii uu dhammaday Dagaalkii Labaad ee dunida. Laakiin Isbuucan xiisadda weji cusub ayey yeelatay.

Isniin – Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka

Markabka qaado diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka

Madaxweyne Donald Trump ayaa amray in labo markab oo dagaal iyo mid diyaaradaha dagaalka qaada ay u dhaqaaqaan dhanka Kuuriyada Woqooyi

Kuuriyada Woqooyi ayaa dhowr jeer sameysay tijaabo hub nukliyer ah taas oo Mareykanka uusan ku faraxsaneyn.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu isu diyaarinayo in keligii uu dagaalka galo si uu wax uga qabto “halista nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi”.

Talaado – Kim aya u jawaabay

Kim Jong-un

Si aan la yaab lahayn, Kim Jong-Un uma uusan naxariisan Trump wuxuuna isaga fujiyay qaniinyo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee North Korea ayaa sheegtay in “taxadar la’aan” ay tahay hanjabaadda Trump, waxayna wacad ku martay in ay isku difaaci doonaan hub culus.

Shiinaha oo saaxiib dhow la ah Kuuriyada Woqooyi, wuxuu sheegay in uu lug ku yeelan doono arrinta.

Wuxuu dalbanayaa in xakameyn dhanka dhaqaalaha lagu ganaaxo Kuuriyada Woqooyi haddii markale ay tijaabiso madaafiicda ridada dheer.

Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in uu soo dhaweynayo caawinta Shiinaha. Balse wuxuu tilmaamay in uusan u baahneyn.

Arbaco -Shiinaha wuu hadlay

Madaxweyne Xi iyo Madaxweyne Trump

Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warramaysa in madaxweynahooda uu ugu baaqay Trump in uu xaaladda dejiyo.

Balse madaxweyne Trump wuxuu Twitter-kiisa ku qoray in isaga iyo Xi ay arrinta ka wada hadleen.

Madaxweyne Xi wuxuu si ku celcelis ah ugu sheegayay Trump in uu doonayo nabadda iyo xasilloonida gobolka wuxuuna taageeray in hubka nukliyeerka laga qaado Gacanka Kuuriya.

Khamiis – Kullanka ciidammada

Kim oo xarig jaraya

Kuuriyada Woqooyi waxay soo bandhigtay guryo cusub iyo hormarin ganacsi oo ka hirgala Pyongyang.

U jeedada waxay ahayd in ay muujiso fursadaha dalka ka jira iyo awoodooda iyo adkeysiga ay leeyihiin.

Salaanta ciidan ee caruurta North Korea

Saxafiyiinta ajaniibta ah ayaa lagu casuumay goob ay kumannaan askeri isugu tageen oo gaardis ku marayay jidadka.

Donald Trump kuma farxin arrintasi iyo dhoolatuska militariga Kuuriyada Woqooyi.

Wuxuu markale bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu diyaar u yahay in keligii uu wax ka qabto Kuuriyada Woqooyi.

Jimco- Digniinta Shiinaha

Sawirka aasaasaha Kuuriyada Woqooyi

Shiinaha wuxuu ka soo horjeedaa xiisadda dagaal ee gacanka ka taagan, wuxuuna ka digay dagaal dhexmara Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi.

Shiinaha ayaa sheegay in “daqiiqad kaste ay suuragal tahay in uu dagaal ka dhex qarxo labada dhinac”.

Xukuumadda Beijing waxay dalbaneysaa in labada dhinac ay joojiyaan hanjabaadaha, waxayna u sheegtay in aysan jirin cid dagaal ku guuleysaneysa.

Dhanka kale, North Korea waxay awooddeeda ku muujisay dhoolatus Sabtidii ay ku qabatay Pyongyang.

Sabti -Taangiyada ayaa jidadka la keenay

Hubkii dhoolatuska lagu soo bandhigay

Kuuriyada Woqooyi waxay sabtidii u dabaaldegeysay dhalashada 105-naad ee laga joogo maalintii uu dhashay aabihii aasaasay dalkaasi, Kim Il-sung.

Taangiyada waxay ku wareegeen jidadka Pyongyang, waxayna u muuqatay in hub cusub la tusay caalamka.

Hubkaasi cusub waxaa ka mid ahaa madaafiicda badda hoosteda lagu rido iyo kuwa qaaradaha isaga gudba.

Gawaari sita madaafiic culus

Saraakiisha dowladda Kuuriyada Woqooyi waxay uga digeen Mareykanka in uu tallaabo qaado.

Waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ridaan nukliyer haddii lagu duulo dalkooda, waxayna qireen in “maalinta ugu horeysa lagu kala baxayo dagaalka”.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence wuxuu u safray Kuuriyada Koonfureed, si uu ugala xaajoodo sida loola dhaqmayo dalka ay deriska yihiin.

Axad – Tijaabo madfac

Kim Jong un

Mareykanka wuxuu sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay gantaal kale, uuna qarxay dhowr ilbiriqsi ka dib markii la riday.

Waxaa loo maleynayaa in uu caag ka sameysnaa kaas oo ku duulayay xawaare aad u sareeya, lana hagayay.

Tijaabadasi waxay xadgudub ku tahay qaraarkii Qaramada Midoobey ee cunna qabateynta lagu saaray Kuuriyada Woqooyi.

Hadaba, tallaabo noocee ah buu madaxweyne Trump qaadi karaa? Asaga oo keli ah unbaa garanaya jawaabta – ama waxaaba suuragal ah in uusan isagu xataa garaneyn.

Xigasho BBC Somali