Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta tegay furimaha dagaalka kooxda Al-Shabaab ka socda maamulka Jubbaland.
Wasiir Xoosh oo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa indhaha soo saaray xaaladda magaalada Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa la hadlay hay’adaha amniga, geesiyaasha xoogga dalka iyo bulshada deegaanka, xilli uu howl-galka lagu qabtay magaaladan oo 90KM dhanka galbeed kaga beegan Kismaayo uu bilow u yahay qorshaha wejiga labaad ee dagaalka looga bilaabayo deegaanada maamulka Jubbaland.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmo kahor sheegtay inay si hordhac ah u bilowday wejiga labaad ee dagaalka, uuna ka socdo aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.
Sidoo kale waxaa dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland usoo gacan galay illaa 4 kamid ah horjoogayaashii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Buulo-Xaaji, ee hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.
Kadib xoreynta Buulo Xaaji, ciidamada ayaa la qorsheynayaa usii ruqaansadaan aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, Gobollo badan oo dalka ku yaalla ayaa waxaa ka socda howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana kamid ah HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.