Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabada oo aheyd mid si heersaro loo soo agaasimay ayaa maanta waxaa lagu qabtay Guriga Umadda dalka Jabuuti.
Munaasabada ayaa waxaa lagu caleemo saarayay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xukunka dalkaasi heyn doona shanta sano ee soo socota.
Madaxweynayaasha munaasabada lagu marti galiyay ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, Madaxweynaha Ruwanda Boul-kagame, Madaxweynaha Sudan, Madaxweyne Ku Xigeenka Uganda, Ra’iisul wasaaraha ethiopia Xeyla Maryam iyo madax kale.
Maamul Goboleedyada Somalia ayaa waxaa munaasabadaasi ka qeybgalay Madaxweynayaasha maamulada Somaliland, Puntland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo lagu dhaariyay madashii munaasabaddu ay ka dhacday, ayaa wuxuu ku dhaartay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, isagoona wacad ku maray inuu daacad ugu adeegi doono dadkiisa.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA











