Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay maamulka Galmudug uu waday howlgal lagula dagaalamo kooxaha caadeystay iney isbaarooyin dhigtaa wadooyinka deegaanada Galmudug ayaa arintaasi waxaa amaro kasoo saaray madaxweynaha Galmudug.
C/kariin Xuseen Guuleed madaxweynaha Galmudug ayaa shaaciyay in marnaba aan laga gaban doonin ruuxii la arkaa isaga oo isbaaro ay u taalo deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.
Wuxuu sheegay in deegaanada maamulkaasi ay ka socdaan howlgalka lagula dagaalamayo dadka isbaarada dhigta, ayna go’aansadeen iney ka hortagaan wax walbaa oo dhibaato ku ah dadka shacabka ah.
Askarta maamulka Galmudug ayaa la siiyay amar ah iney goobtiisa ku toogan karaan shaqsigii la arkaa isaga oo isbaaro ay u taalo deegaanada Galmudug.
Deegaano badan oo ku yaala Gobolka Mudug ayaa dhibaato waxaa ku qabay dadka safareyda ah, iyaga oo isbaarooyin kala duwan wada loo dhigto.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

