25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Xog: Geele, Gaas, Siilaanyo & Xasan oo kulmay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dalka Jabuuti ay ku sugan yihiin madax badan oo Soomaaliyeed iyo madax ka socoto caalamka ayaa waxaa wararka aan ka heleyno dalkaasi waxay sheegayaan in kulamo gaar gaar ah ay yeesheen madaxda Soomaalida.

Kulamada ayaa waxaa la sheegayaa iney dhexmareen madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Jabuuti, waxaana Ismaaciil Cumar Geele uu la kulmay Siilaanyo, C.welli Gaas, Faroole iyo Sheikh Shariif oo Jabuuti wada jooga.

Kulamadaasi oo micnooyin kala duwan lahaa ayaa waxaa diirada lagu saarayay arimaha Soomaaliya iyo doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya oo jabuuti ay door weyn ku leedahay.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in kulan wada jir ah ay yeesheen xalay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee kusugan Jabuuti.

Jabuuti ayaa ciidamo loogu magac daray Hiil Walaal waxay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya, waxaana ay kamid yihiin ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News