Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Seddexd Gobol ayaa waxa ay maanta kulan muhiim ah kuwada qaaten Aqalka looga arimiyo Magaalada Kismaayo.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro iyo Odayaal ka kala tirsan labada dhinac waxa uuna Ujeedka kulanka ahaa sidii labada Maamul uu ku dhexmari lahaa xiriir wanaagsan.
Labada Madaxweyne oo si isumid ah ula hadlay Saxaafada ayaa waxa ay sheegen in labada Maamul ay qorsheynayaan inay sameystaan xiriir suuragalinaya wadashaqeyn.
Axmed Madoobe oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegey in uu si diiran usoo dhaweynayo waftiga Shariif Xasan, kuna soo dhaweynayo “gurigoodii” sida uu hadalka u dhigey.
Isagoo hadlaaya ayaa waxa uu yiri “Anaga waan idinka horeyney maamul ahaan, waxaa faraha noo godey Puntland, anagana idinka ayaan idiin loox jiideynaa” waxa uuna sidoo kale sheegey in waxyaabo badan ay ka wada hadli doonaan labada dhinac.
Axmed Madoobe ayaa sheegey in waftiga Shariif dad badan oo ka mid ah uu ku jiro xusul duub, dhanka Jubbaland uu ka jiro xusul duub kale, balse uu rajeynayo in wax kasta laga wada hadlo si saraaxad leh.
Sidoo kale, Madaxweyne Shariif Xassan oo isna hadal kooban goobta ka sheegay ayaa u mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, wuxuuna sheegey in labada maamul ay noqdaan kuwa daris wanaag ah, dadkana ay wada dhex arkaan danahooda.
“Anaga federaalka waxaan ku fikireyney 50 sano ka hor, hadda inagii haddii aan maamul goboleedyo hogaamineyno waa illaahay mahadiis” ayuu yiri Shariif.
Dhanka kale, labada Madaxweyne ayaa waxa ay dadaal dheer ugu jiraan sida ay DF Somalia uga dhaadhacsiin lahaayen in labada Maamul lagala tashto wax waliba oo Khuseeya Aayaha Labada Gobol.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]