Sawirro: Madaxweyne Biixi oo maanta qaabilay wafdi culus oo ka socday Shiinaha

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wafdi culus oo ka socday dalka Shiinaha, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa.

Wafdigan uu qaabilay Muuse Biixi ayaa waxa hogaaminayey Wakiilka Shiinaha u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao.

Wafdigaasi ayaa waxa qeyb ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Qin Jian oo maalmihii u dambeeyay uu Biiix ka meer-meerayey kulankiisa, isla markaasina lagu magac dhabin war kasoo baxay madaxtooyada Somaliland

Madaxweyne Biixi iyo xubnaha Wafdigaasi ayaa waxay diirada saareen arrimaha ganacsiga iyo weliba qaabkii uu Shiinuhu maal-gashi balaadhan ugu sameyn lahaa kheyraadka Somaliland.

Sidoo kale waxa kulankaasi looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo midka bulshada ee ay lahaayeen muddooyinkiii dambe.

Kulankaasi ayaa lagu soo hadal qaaday xiriirka Taiwan, wallow aan si rasmi ah loogu lafo-gurin, maadama ay dalabkooda u gudbiyeen, sida ay saraakiil ka tirsan qasriga madaxtooyadu u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wafdigan culus ee Shiinaha ayaa la fahamsan yahay inuu dabo socdo dadaalada ay dowladooda ku rabto inay meesha uga saarto heshiiska ay Taiwan dhawaan la saxiixatay Somaliland.

Waxaana kulankaasi Muuse Biixi ku wehelinayey Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan China.