26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: Geelle iyo Farmaajo oo dhagax dhigay dhismaha safaaradda Jabuuti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Djibouti Ismaaciil Cumar Gelle oo uu wehlinaayo Madaxweynaha Qaranka Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow si wada jira u dhagax dhigay dhisamaha Safaarada Jabuuti ee Muqdisho.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa sidoo kale wehlinaayay qaar kamid ah Hogaamiyayaasha maamulada dalka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin dhowr ah.

Danjiraha Dowlada Djibouti ayaa iminka si KMG ah uga howlgala dhul ay DFS ku siisay si KMG, waxaana iminka lagu wadaa in dhismo degdeg ah lagu bilaabo dhulka ay labada Madaxweyne dhagax dhigeen.

Madaxweyne Geele ayaa magaalada Muqdisho usoo gaaray si uu uga qeybgalo munaasabada caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News