Warbaahinta Kenya oo qortay in ugu danbeyntii Farmaajo uu Kenyata ka dhaadhiciyay Caleema-saarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in Goor uu magaalada Muqdisho soo gaaro Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo saacadihii ugu danbeeyay ay wada hadleen Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweyne Kenyatta oo goordhow ay wada hadleen Madaxweyne Farmaajo, ayaa ugu danbeyntii ogolaaday inuu kasoo qeybgalo munaasabada Caleema-saarka.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa cadadkooda ugu danbeeyay waxaa lagu qoray inay suuragal tahay inuu baaqdo Madaxweynaha Kenya, sababo la xiriira ololihiisa Doorasho ee heerka Madaxtinimo ah.

Warbaahinta ayaa goordhow dib usoo daabacay in Kenyatta uu kusoo fool leeyahay magaalada Muqdisho, kadib markii ay wadahadleen Farmaajo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ku sugan Madaxweynaha Jabouti, Ra’isul wasaaraha Ethiopia, Wufuud ka kala socta Masar iyo Kuwait oo ay wehliyaan Diplumaasiyiin ka socta Dowladaha reer galbeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com