Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho soo gaaray ra’iisul wasaaraha dowladda ethiopia si uu kaga qeyb galo xaflada caleemo saarka madaxweyne Farmaajo.

Xafladan oo ah mid si weyn looga shaqeeyay ayaa waxaa ka qeyb galaya madax kala duwan oo ka socota caalamka, waxaana ka mid ah ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa kasoo horeeyay oo saacado ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana uu ka qeyb galayaa xaflada caleemo saarka.

Madaxweynaha Kenya ayaa la filayaa in isna saacadaha soo socdo uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasiamda@live.com