Sawirro: Daawo sida loo qurxiyey hoolka xafladda caleemo saarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah loogu caleema saarayaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Xafladda Caleema saarka ayaa ka dhacaysa isla halkii lagu doortey Madaxweynaha ee Xeradii ciidanka cirka ee Afisiyoone.

Waxaa hoolka Caleema-saarka ku qulqulaaya Madaxda Soomaalida ee la filaayo inay ka qeybqaadan doonaan Caleema-saarka, waxaana ku jira Xildhibaano ka tirsan labada Gole.

Hoolka ayaa waxaa iminka galitaankiisa ku hormaraaya Madaxda Dowlada, iyadoo intaa kadib ay gali doonaan Madaxda Caalamka ee martida u ah Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llahi Farmaajo.