Madaxweyne XASAN oo ka qaybgalay furitaanka shirka dalalka Carabta + Sawirro

Aljeris (Caasimada Online) – Meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah uga furantay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya, halkaas oo ay goobjoog ka yihiin hoggaamiyeyaasha wadamada Carabta oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay furitaanka shirka 31-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo sanadkaan lagu qabanayo dalka Aljeeriya.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu shirkan ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka arggagixisadu ay ku hayso nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale guulaha dawladda iyo shacabka oo wadajira ay ka xaqiijiyeen dagaalka dalka ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas sheekh Cabdulqaadir iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya mudane Danjire C/wahaab Macallim Maxamed.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Aljeeriya kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha kala hadlay labo arrin oo kan koowaad uu yahay dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-shabaab iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada beesha caalamka, si loo soo af-jaro argagixisada.