26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Cirro iyo ra’iisul wasaaraha Qatar oo qodobo xasaasi ah ka wada-hadlay

Bookmark
Bookmarked

Share

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kulan heer sare ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani.

Kulankan ayaa lagaga wada-hadlay horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Qatar.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada-hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada iyo maalgashiga, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa sidoo kale ka wada-hadlay nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

“Cirro waxa uu si cad hoosta uga xariiqay in Somaliland ay tahay jamhuuriyad madax-bannaan oo 34-kii sano ee ugu dambeeyey iskeed isku maamulaysay, oo aan ka mid ahayn sooyaalkii lagu dhisayna qayb ka ahayn Maamulka Federaalka ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland kasoo saartay kulanka.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay maqaamkeeda taariikheed, sharci iyo siyaasadeed ee Somaliland, taas oo uu sheegay inay gebi ahaanba ka duwan tahay ta Soomaaliya.

Waxa uuna caddeeyay sida ay Somaliland uga go’an tahay ka-qaybgal nabadeed ee arrimaha gobalka iyo xal u helida mushkiladaha Geeska Afrika.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee dalka Qatar ayaa imanaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday inay diyaar u tahay dib u bilaabista wada-hadalladii Somaliland, waxaana la filayaa in Dooxa ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto sidii ay dib ugu furmi lahaayeen wada-hadalladaas.

- Advertisement -

Read more

Local News