25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sawirro: Marwada 1-aad oo kulan qado ah u sameysay haween Soomaaliyeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Marweynaha Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta kulan qado sharaf ah u sameysay Guddoomiyeyaasha ururrada haweenka ee 17-ka degmo ee gobolka Benaadir, iyadoo kulanka ay sidoo kale ka qeyb galeen Qaar ka mid ah haweenka Qurbo joogto ah, ganacsato, dhaqaatiir iyo kuwa kale oo kulanka lagu casuumay.

Qaar ka mid ah marti sharaftii kulanka ka hadashay waxa ay marwada Madaxweynaha uga mahadceliyeen kulanka qadada ah ee loo sameeyay, waxaana ay balan qaadeen in dhankooda ay door muuqdo ka qaadan doonaan horumarka dalka.

Jawaahir Baarqab Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Benaadir ayaa tilmaamtay in u jeedka kulanka uu ahaa sidii haweenka Soomaaliyeed ay u istaagi lahaayeen ka qeyb qaadashada horumarinta dalka iyo inay u gurmadaan walaalahooda kale ee ku dhibaateysan gudaha dalka.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo gabo gabada kulanka hadal kooban ka jeedisay ayaa kula dar daarantay haweenka ay marti qaadka u fidisay inay ka qeyb qaataan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen isdhex galka bulshada iyo dariseynta.

Marwo Sahro ayaa ka codsatay haweenka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyana hay’adaha amniga iyo samata bixinta shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha doonaya inay dhibaateeyaan bulshada.

image image(2) image(3) image(4) image(5) image(6) image(7)

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News