32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Jawaari oo shaaciyey in mooshinka la qeybiyey loona codeyn doono muddo..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow lasoo xiray kulankii xildhibaanada baarlamaanka ay maanta ku lahaayeen magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta golaha shacabka.

Wararka ayaa sheegayaa inuu ku dhawaaqay in xildhibaanada ay heystaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya islamarkaana uu kulanka xiran yahay.

Wararka qaar oo aan helnay ayaa sheegaya in  muddo shan maalin ah loo qabtay u codeynta mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya, sida uu shaaciyay gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanada ayaa si daran ugu buuqay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya markii uu galay xarunta golaha shacabka, taasi oo dhalisay in jawaari uu hoolka ka baxo.

Muddo daqiiqado kadib ayuu dib ugu laabtay, waxaana xildhibaanada ay halkoodii kasii wadeen buuqa iyo dooda.

Taasi ayaa sababtay in gudoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqo in shirku xiran yahay xildhibaadana ay soo aqristaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News