Sawirro: Maxaa kala soctaa ninkii ka danbeeyay weerarka Las Vegas & Halka ay mareyso dhimashada

Muqdisho (Caasimada Online)-Booliiska Maraykanka ayaa shaaciyay magaca qofka lagu tuhunsanyahay in uu dadka badan ku laayay magaalada Las Vegas ee dalkaas.

Nin magaciisa lagu sheegay Stephen Paddock oo 64 jir ah, ayay booliiska sheegeen in uu mas’uul ka ahaa dilka 50 qof iyo dhaawaca boqolaal kale.

Waxa uu kasoo jeedaa magaalada Mesquite ee gobolka Navada, wuxuuna rasaas oodda kaga qaaday dad daawanayay bandhig fanneed uu dhigayay musiigiistaha lagu magacaabo Jason Aldean habeenimadii axadda sii baxaysay.

Waxa uu maalmo ka hor kireysay qol ku yaala dabaqa 32-aad ee hoteelka Mandalay Bay, halkaas oo uu daaqadda dadka kasoo toogtay. Markii ay booliiska galeen qolkii uu degenaa ayaa waxaa laga heley illaa 10 qoryaha darandooriga u dhaca.

Booliiska waxa ay sheegeen in uu Paddock is diley markii booliiska ay hareereeyeen.

Waa dhacdadii ugu xumeyd oo lagu laayo dadkii ugu badnaa oo Amerikan ah gudaha Maraykanka inta la xusuusto taariikhda. Bishii June ee sanadkii 2016-kii ayaa iyana la diley 49 qof toogasho ka dhacday magaalada Orlando ee Maraykanka.

Madaxa ciidammadda booliiska Las Vegas Joseph Lombardo ayaa sheegay in falkan aanan wali lagu tilmaami karin mid argagixiso.

Cod laga duubay xafladda ayaa waxa uu muujinayaa in Paddock uu isticmaalay qoryaha darandooriga u dhaca, kadibna diley 50 ka mid ah 22,000 qof oo halkaas isugu tagtay.

Booliiska ayaa tagay gurigiisa , waxayna baarayaan caddaymo dheeraad ah. Guriga ayaa waxa uu ahaa mid ay dowladda dajisay.

Qof haweenay ah oo ay guriga isla deganaayeen oo lagu magacaabo Marilou Danley oo ay markii hore booliiska sheegeen in ay raadinaan, ayay markii dambe sheegeen in laga shaki baxay.

Eric Paddock oo la dhashay ninka falka gaystay ayaa warbaahinta u sheegay in uusan fahmi karin sababta walaalkiis ku kaliftay in uu falkaas ku koco.

Sanadkii 2012-kii ayaa waxaa la sheegay in Paddock uu dacwad ku furay hotel lagu magacaabo The Cosmopolitan too Las Vegas ku yaala kadib markii uu meel kasoo dhacay, wuxuuna ku eedeeyay dayacaad. Balse 2014-kii ayay dacwadii la laabteen labadii dhinac ee ay quseysayba.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa tacsi u direy ehelka dadkii ku dhintay weerarka, una duceeyay kuwii ku dhaawacmay, isaga oo yiri “Alle ha idin barakeeyo”.

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com