Askari Toogasho ka dhex geystay gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug , ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhacday Toogasho.

Wararku waxa ay sheegayaan in Toogashada ay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi, waxaana Toogashada geystay mid ka mid ah askarta Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf.

Askariga ayaa toogasho ku dilay Taliyihii ciidamada garoonka diyaaradaha ee magaaladaas Cabdisalaan Sanyare iyo mid kamid ah Askarta oo ku sugnaa gudaha garoonka.

Askariga falka dilka ah gaystay ayaa la sheegayaa in madaxa looga jiray sida wararka ay sheegayaan, wuxuuna ku hubaysnaa qori Ak47.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay askariga Falkaasi ka dambeeyay.

Dhinaca kale, Saraakiisha ayaa wada baaritaan lagu xaqiijinaayo caafimaad qabta Askariga dilka geystay, waxaana sidoo kale la adkeeyay amniga garoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimda@live.com