Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay xaaladdii ugu dambeysay xiisadda GALMUDUG

Cadaado (Caasimada Online) – Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in Cadaado ay ka raraan malleeshiyaad aan ka amar qaadan Galmudug.

Qeybdiid oo kamid ah Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Cadaado u tagay waanwaanta khilaafka madaxda u sarreysa Galmudug ayaa sheegay in ammaanka magaalada Cadaado uu wanaagsan yahay.

Waxa uu sheegay in qalqal magaalada laga dareemay intii ay malleeshiyaadkaasi joogeen kuwaas oo loo kala raray Labo barood oo ku wada yaalla gobolka Galgaduud.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku nuuxnuuxsaday in Galmudug ay u baahan tahay nabad iyo dib u heshiisiin oo aynaan xilligani muhiim ahayn khilaaf iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale, Qeybdiid ayaa rajo ka muujiyey in la xalliyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya madaxda Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com