26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulanki beesha caalamka iyo Shariif Xasan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta KMG maamulka Koonfur galbeed gaaray Wafdi uu Hogaaminaayay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating.

Wafdiga Michael Keating, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka.

Wafdiga Keating oo ay kamid ahaayen Safiiro kale, ayaa waxa ay maamulka kala hadleen arrimo khuseeya doorashooyinka lagu wado inay sanadkan ka qabsoomaan Somalia, balse arrinta la’isku diidan yahay ay tahay saami qaybsiga Xubnaha Aqalka Sare Baarlamaanka.

Keating iyo Safiirada kale ee Caalamka ka jooga Somalia ayaa Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xassan iyo labada gole ee maamulkiisa ka dhageystay sida ay u arkaan diidmada Puntland ay diiday 4.5 iyo saameynta ay Dowladu ku yeelankarto xiliga Doorashooyinka.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen Shariif Xasan Sheekh Adan iyo Micheal Keating kulankooda kadib ayay ku sheegeen inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan doorashada dalka ka dhici doonta sanadkan, iyo sidii maamulkaasi looga taageeri lahaa dhinaca horumarka

Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo ay ahayd markii ugu horeysay ee uu tago magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay maqsuud ka yihiin wixii ay kala kulmeen maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Shariif Xassan iyo Xubnaha maamulkiisa ayaa Ergayga iyo Safiirada la socday u sheegay in Somalia aysan ka maarmin in lagu maamulo 4.5, mowqifka Koonfur galbeedna uu yahay in doorashada ay noqoto qaab 4.5 islamarkaana ay kasoo horjeedan qaab deegan in doorashadu noqoto.
Baydhabo 1

Baydhabo2

Baydhabo3

Baydhabo4

Baydhabo5

Baydhabo6

Baydhabo7

Baydhabo8

Baydhabo9

- Advertisement -

Read more

Local News