24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Puntland oo dooneysa inay ka go’do Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online)- Wareysi madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali uu siiyay wargeys kasoo baxa magaalada Boosaaso ayuu ku sheegay in maamulkiisa u furan tahay seddex waddo oo jawaab u noqonaya go’aanka shirkii kusoo dhamaaday Muqdisho ee looga hadlayay doorashada Soomaaliya ka dhaceyso dhamaadka sanadkan.

Go’aanada ayaa waxaa ugu weynaa iney u furan tahay ka go’itaanka Soomaaliya inteeda kale, maadaama aan la dhageysan dalabka iyo fikrada ay aamisan yihiin shacabka kumanaanka gaaraya ee kunool Puntland.

Waddooyinka u furan Puntland oo seddex gaaraya ayaa waxaa kamid ah:-

1 Inay Diido Qorshaha ay Wadaan Beesha Caalamka oo ay ka hortimaado Barnaamijkaas oo dhan.

2 ­Inay yeesho oo ay Gorgortan ka gasho.­

3 Iyo inay ka Go’do Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya wadamada beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya, waxaana mar la weydiiyay culeeska IGAD, AMISOM & QM uu kala kulmayo uu sheegay ineysan taasi dhaceynin.

Madaxweyne Gaas ayaa kasoo horjeeda nidaamka 4.5 oo lagu soo xulayo aqalka hoose ee baarlamaanka imaanaya dhamaadka sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News