Arag sawir kaa qoslin doona: Shariif Xassan oo ay la dagtay Doontii uu wadaha ka ahaa, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa gaaray Horumarka dhibaateynta dadka deegaanka tan iyo markii ay bilatay Sanada 2016-ka sida uu farshaxaniistuhu ku cadeeyay sawirkiisa.

Sawirka waxa uu matalayaa Madaxweyne Shariif Xassan oo ay la degtay doontii uu wadaha ka ahaa, iyadoo dadkii la saarnaa ay Biyaha badda kula caweynayaan Yaxaaska, balse isaga uu moodo inuu ku talaabay horumar aan horay loo gaarin.

Doonta ayaa waxaa kusoo haray Shariif oo qura waxa uuna ilaabay dadkii la saarnaa isaga oo mooda inuu ku taagan yahay wadada horumarka dhabta ah.
KK2016