30.9 C
Mogadishu
Tuesday, March 17, 2026

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Kheyre iyo xildhibaanada Hawiye?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’isul wasaaraha magacaaban Xasan Kheyre ayaa maanta kulan khaasa la qaatay Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Hawiye ee ka tirsan Golaha shacabka BFS.

Ra’isul wasaaraha ayaa Xildhibaanada kala hadlay qorshihiisa Siyaasadeed, baahiyaha loo qabo isbedelka dhacay iyo sida ugu sahlan ee lagu meelmarinkaro xilka loo magacaabay.

Xasan Cali kheyre ayaa Xildhibaanada u soo bandhigey Barnamijka Xukuumadda uu ku hogaamin doono waxa uuna sheegay in Xukuumadiisu ay waxbadan ka duwanaan doonto Xukuumadihii isaga ka horeeyay.

Ra’isul wasaaraha ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida marka uu hortago Golaha shacabka Soomaaliya si uu ugu adeego Dalka, isla markaana ay tageeraan Xukumadda uu soo dhisi doono.

Xasan Kheyre waxa uu Xildhibaanada u sheegay in Xukuumadiisu ay sameyn doonto talaabooyin lagu dardar galinaayo howlaha Qaranka, waxa uuna carabka ku dhuftay in maanta uu uga baahan yahay keliya inay siiyaan codka si loo sii ambaqaado howlaha horyaal qaranka.

Kheyre waxa uu Xildhibaanada u ballanqaaday inay heli doonaan xuquuq joogta ah, isla markaana ay Dowlada xooga saari doonto in Golayaasha Dowlada loo madaxbaneeyo Howlahooda gaarka ah.

Xildhibaanada kulanka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sheegay inay u baahan yihiin isbedel muuqda oo dalka ka dhaca waxa uuna sheegay in Xildhibaanada aysan ka hor imaan doonin wixii dan ugu jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Jeesow ayaa sheegay in Xasan Kheyre uu yahay aqoon yahan ku haboon in uu hogaamiyo Xukuumadda Somalia, waxa uuna goobta ka sheegay in Xildhibaanada ay marwaliba diyaar u yihiin inay garab boodaan Dowlada cusub ee kalsoonida ka heshay shacabka.

Xildhibaanada kale, oo iyaguna ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan magacaabida waxa ayna ballanqaaden inay siin doonaan kalsoonida.

Ra’isul wasaaraha magaacaban ayaa hortagi doono xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya sidi uu kalsooni u waydiisto uu ku hogaamiyo Xukuumadda Soomaaliya sida ku cad qodobka 69 ee dastuurka KMG ah ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News