Xog: Imaaraadka oo qarka u saaran dekedda Boosaaso (Somalia oo god ku socota)

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qarka u saaran inay gacanta ku dhigto maamulka dekedda magaalada Boosaaso, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wada-hadallo muddo sanad ka badan u socday Imaaraadka iyo madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas ay hadda gebo gebo ku dhow yihiin, lana filayo in dhowaan labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiis rasmi ah.

Heshiiskan ayaa waxaa maamulka dekedda Boosaaso kula wareegi doonta shirkadda Imaaraatiga ee DP World, oo sidoo kale horey u hantisay maamulka dekedda Berbera, taasi oo qalabeyn iyo dayactir ku sameyn doonta dekedda Boosaaso.

Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Weli Gaas uu shaqsiyan heshiiskan ku qaadan doono 15 milyan oo dollar, oo ah lacag aysan shaqo ku lahayn dowladda Puntland.

Waxaa sidoo kale suurto-gal ah in heshiiskan aan la horgeyn baarlamanka Puntland oo lagu saxiixo kaliya amar madaxweyne.

Imaaraadka ayaa isku dayaya inuu gacanta ku dhigo dhammaan dekedaha waaweyn ee Soomaaliya, waxayna hadda wadaan qorshe la rabo in Turkiga looga saaro Soomaaliya, si ay ula wareegaan dekedda Muqdisho.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in haddii Soomaaliya ay nabad noqoto oo dekedaheeda dhisato ay ganacsiga kala wareegi doonto dekedda Dubai, maadaama Soomaaliya ku taallo marin ka wanaagsan Dubai.

Heshiisyada Imaaraadka ay la galayaan Soomaalida oo badankood ah illaa 30 sano, ayaa u saamaxaya in muddadaas aysan wax halis ah ku iman, maadaama ayada ay maamuleyso dekedaha Soomaaliya, ayna xaqiijin doonto inaysan dhaafin inay noqdaan dekedo gudaha kaliya ah.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaan ka hadal heshiisyada Imaaraadka ay la galaan maamul goboleedyada, maadaama lacag biil ah ay bishii ka qaataan.

Madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn isna waxa uu arrimaha ka yeeli doono, inkasta oo weli uusan ka hadal heshiiskii saldhigga Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com