Donald Trump oo go’aankii ugu yaabka badnaa qaadanaya

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu ka bixi doono Golaha Xuquuqda Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inay ka fikirayaan go’aanka ay kaga baxayaa Golaha waxa uuna sabab ka dhigay inay ka eexdaan mamulka yahuuda.

Donald Trump, ayaa sheegay inay kasoo horjeedan wax waliba oo dhibaaya maamulka Yahuuda, waxa uuna ku goodiyay inay isaga baxayaan Golaha.

Donald Trump iyo maamulkiisa ayaa saameyn ku yeelan doonta go’aanka ay kaga baxayaan Golaha Xuquuqda Insaanka ee Qaramada Midoobay, maadaama uu hakat ku imaan doono howliha Qaranka Mareykanka.

Sargaal horay uga tirsanaa Waaxda arimaha dibada Mareykanka ayaa yiri “Waxaa jira codsiyo taxane ah oo ka yimid xafiiska xoghayaha oo uu su’aalayo muhiimada Mareykanka ee inuu kasii tirsanaado Golaha Xuquuqda Aadanaha ,”.

Sidoo kale, shir dhawaan ay yeesheen saraakiisha Waaxda arimaha dibada, Tillerson ayaa su’aalay waxtarka hay’ada UNHRC, ee 47-kursi ee gudiga isku jirka ee dawladeed oo ma’suul ka ah horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha dunida ku baahsan.

Maamulka Donald Trump oo inbadan ka duwan maamuladii hore ayaa xiriirka u gaabinaaya Hay’adaha waxtarka u leh Dowlada reer galbeedka, waxa ayna taa sababi kartaa in maamulka Donald Trump uu nusqaan ku sameeyo dhammaan dadaaladii looga bartay Mareykanka iyo Dowladaha kale.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis 
Caasimada@live.com