Waxa ka socda Cadale iyo madaxdii Hirshabelle oo ka aamusan

Cadalle (Caasimada Online) – Xaalad xun ayaa ka taagan deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo labo beel walaalo ah dirir ku hex marry, iyadoo guud tuulada Burdheere oo 28 dhinaca galbeed ka xigta Cadale la gubay.

Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa maanta kaliya maliishiyo kala taabacsan labada beel ee walaalaha ah ay iska dileen, halka guryo iyo goobo ganacsi ee tuulada Burdheere la gubay, waxaana ka badbaaday tuulada masjid, xarunta Hormuud iyo dhowr guri.

Dadkii deana tuulada Burdheere ayaa gebi ahaanba isaga barakacay, waxaana jirta cabsi xooggan oo la xiriirta in dagaaladu ay sii xoogeystaan iyadoo hub uruursi ay ku jiraan labada beel ee dirirtu u dhexeyso.

Maamulka goboleedka Hirshabeelle ayaa ku guuldareystay in ay dagaaladaan gobolka kazoo cusboonaaday xil iska saaraan damintiisa, taasi badalkeedana waxay madaxdooda ku mashquulsan yihiin murano ka taagan magacaabida wasiirada cusub ee Madaxweynaha maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble uu magacaabay oo beelaha qaar ay saluugsan yihiin.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka bilowday aargoosi dil ah, waxaana jirtay weligeedba colaado soo noqnoqday beelaha wada dega tuulooyinka hoostaga Cadale oo horay u dhex mari jirtay sanado badan ka hor, balse mudooyinkii danbe xal loo helay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com