Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka socda kulamo kala duwan oo u dhexeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.
Kulamada ka socda magaalada Jowhar ayaa u dhexeeya Xildhibaanada Mooshin wadayaasha kasoo horjeeda Hogaamiyaha maamulka Cali Cabdullaahi Cosoble, oo ku dhaliilay xil gudasho la’aan iyo wax wada-tashi ah inuusan la sameyn baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa si bareera u diiday inay qaatan xal, kadib markii wafdi ka socda Dowlada ay xalinta khilaafkaani dartii u gaaren magaalada Jowhar.
Xildhibaanada ka biya diidan in Cali Cabdullaahi Cosoble uu xilka sii hayo, ayaa sheegay in Cosoble uu mari doono wadadii uu maray C/kariin Guuleed.
Xildhibaanada ayaa kasoo horjeeda in Cosoble uu sii hayo xilka, waxa ayna doorbidayaan in Hirshabelle ay yeelato Hogaamiye cusub.
Culeyska ugu weyn waxa uu Cosoble soo foodsaaray markii uu magacaabay golaha Wasiirrada oo ay ka soo horjeesten baarlamaanka iyo qaar ka mid ah qabaa’ilada degga gobolka.
Wafdiga ka socda Dowlada ee iminka gaaray magaalada Jowhar ayaa dadaal ugu jira xalinta Khilaafka si Cosoble uu ugu sii nagaado xilkiisa, walow Xildhibaanadu ay ka biya diidan yihiin.
Maamulka Hirshabeelle oo ah dowlad gobolleedkii ugu dambeeyay ee dalka laga hirgaliyay,lama oga khilaafka ka dhex taagan halka uu gaarayo, iyadoo xildhibaannada ay ku adkeysanayaan xil ka qaadis lugu sameeyo madaxweynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

