Sawirro: Suuqa bakaaraha oo gubanaya iyo dabka oo meelo kale ku faafay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa la sheegayaa in weli uu baaxadiisa leeyahay ayna khasaaro badan jiraan oo aan tiro koob lagu ogaan karin.

Dabka ayaa hadda kusii faafaya dhinaca Sarta Cali Dheere Ama Dahablaha.

Ilaa Seddex Meel ayuu siyaabo kala duwan uu dabka ka kacay waxaana jira khasaaro hantiyeed oo badan oo dabka uu geystay,iyadoo Ciidanka Dawlada ay weli ilaalo ka hayaan dad doonaya in Hanti boob sameeyaan.

Suuqa Khaliifa ayuuna ka bilowday dabka isagoo gubay Kawaankii Hilibka,Suuqii Maacuunta iyo Meelo kale hadda Dahablaha ayuu marayaa Dabka.