29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Cadaado oo uu ka billaabmay olole doorasho oo cusub (Yaa ugu cad cad?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socda ololo lagu doonaayo in lagu doorto Hogaamiye cusub oo bedeli doona C/kariin Guuleed.

Ololaha lagu dooranaayo Hogaamiyaha cusub ayaa waxaa iminka wada Xildhibaanada maamulka oo iyagu horay u sheegay inay xilka ka qaaden C/kariin Guuleed ka hor inta uusan ku dhawaaqin is casilaadiisa.

Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka maamulka Galmudug, waxaana la soo sheegayaa in Xildhibaanada ugu badan ay wataan Ex Xildhibaan Axmed Ducaale Xaaf.

Xildhibaanada qaar ayaa ku doodaaya in Axmed Ducaale Xaaf uu mudan yahay xilka Hogaamiyaha Galmudug isla markaana ay codka siin doonaan, halka qaarna ay wataan Musharaxiin saacadihii ugu danbeeyay shaaciyay inay u taagan yihiin booska uu faarujiyay C/ariin Guuleed.

Musharaxiinta u taagnaa qabashada xilkaasi maalmuhii lagu guda jiray Mooshinka xil ka qaadista ayaa tirro ahaan dhammaa laba Musharax, waxaana iminka la sheegayaa in tirada Musharaxiinta ay gaartay Lix Musharax.

Xildhibaanada dooran doona Hogaamiyaha cusub ayaa iminka magaalada Cadaado ka bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan Musharaxiinta ku sugan magaalada Cadaado oo ay ku jiraan Ganacsato dhaqaale heysta.

Xildhibaanada Galmudug oo aan mushaar qaadan tan iyo markii ay doorteen C/kariin Guuleed, ayaa iminka u muuqanaaya kuwo ka macaashaaya Doorashada la filaayo inay ka dhacdo magaalada Cadaado.

Lama saadaalin karo cida ay dooran doonaan Xildhibaanada waxaana lagu wadaa in xiliga Doorashada ay go’aan ka gaarto Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News