Cabdikariin Xuseen Guuleed tagyaye maxaa xiga Gal-Mudugey?

HORDHAC/GOGOL-DHIG: Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Inta kabacdi; aqristoow “Madaxweyne” C/Kariin Xuseen Guuleed ugu dambeyn sida warqada Madaxtooyada Gal-Mudug kasoobaxday kucad, wuxuu shaqadii katagay maalintii Sabtida, bishuna kubeegneyd Feberaayo 25-keeda 2017-ka. Wuxuu sheegay arimo caafimaad darteed in uu uga tagay xilkii. Waxaan uwada rajeyneynaa in uu Allaah subxaanahu watacaalaa siiyo caafimaad soodegdega, oo waliba dhameystiran/ taam ah.

Mudane C/Kariin wuxuu eebsaday in uu Muqdisho iska fariistay, waloow eey jireen duruufo aad uculus oo uu maamulku waajahayey, illaa iyo maantana taagan yihiin. Waxaase hubaal ah in markii xilka loodhiibay mudane C/Kariin 4-tii Julaay 2015-kii kabacdiba waqtigiisii ugu badnaa uu ku qaatay meel kabaxsan Galmudug, Xamarba ha ugu badnaatee, saxna ma aheyn arintaa.

Haduu iscasilayo mudane Guuleed waxeey aad ugu habooneyd in uu iscasilo kadib markuu kasoo laabtay safarkii caafimaad, ee bishii Julaay sanadkii hore (2016-ka) uu Hindiya kutagay, qalliinka culusee waliba xididada wadnaha ah lagusoo sameeyey, gaar ahaan Asian Institute of Heart Mumbai, India, oo waliba sida warar hoose sheegayaan, dhakhaatiirtiisa kulataliyeen in uu isaga fariisto buuqa, pressure-ka iyo culeyska siyaasadan qallafsan ee Soomaliya, caafimaadkiisa dartiis, waliba iyadoo markaa guux iyo ganuunac hoose uujiray, balse aanu bannaanka usoobixin illaa heer Xildhibaannadii isaga doortay eey xilka kaxayuubiyaan 10-kii bishii Jannaayo ee 2017-ka.

MAXAA LAGUDBOON GALMUDUG?

Waa su’aale hade mudne Cabdikareen X. Guuleed tagyaye maxaa lagudboon Galmudug? Jawaabtu waa sidan soo socota:

A-Waxaa ugu horeyn lagudboon in eey isuyimaadaan dhinacyadii khilaafku dhexmaray, iyagoo mideeysanna si sharaf iyo qadarin badan ugu duceeyaan in Allaah caafiyo, una macasalaameeyaan madaxweeynahoodii hore.

B-Waa in laga faa’ideeysto fursada qaaliga ah ee ay dhalisay kasoo qeybgalkii madaxda Ahlu-Suna ee xafladii caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo, iyo isusoo dhawaashaha labada dhibac ee maanta muuqda, waana in aan lagu degdegin doorashada Madaxweynaha Gal-Mudug illaa Ahlu-Sunna lagusoo daro maamulka, hadii eey suurtagaleeyso.

C-Waa in eey guda galaan in eey “Madaxweyne” soodoortaan, si faaruq-hogaanka sare meesha looga saaro, oo markan lacag aaneey kuxulane, eey wax kusoo doortaan yaa waxqabankara, oo aqoonteed, kartideed, khibradeed leh, kuna darsaday dad iyo deegaan jaceyl.

Waa muhiim in deegaanka kuxifaaltamo nabad, horumar, iyo maamul sal-adag oo xasilloon, maamulkana lawada gaarsiiyo deegaanka uu kumagacaaban yahay oodhan, iyadoo dowlada dhexe lala kaashanayo, balse qorshahaa hogaanka Gal-Mudug ula tagayaan dowlada dhexe, olole xooganna ugalayaan.

Gal-Mudug waa in eey ogaato in waxqabad dhab ah aanu la imaankarin hogaan laaluush uun lagu doorto, darajadaana shirarka uga qeybgala oo kaliya, Muqdishana iska fariista meeshuu deeganka kushaqeyn lahaa, haduu kabaxayana shirar cidkale aan loo wakiilankarin, oo isaga in uu tago aan looga maarmeyn ookaliya uga baxa.

DHANKA WANAAGA MAXAA LAGU XASUUSAN DOONAA MUDANE GUULEED?

CabdiKariin X. Guuleed waxaa lagu xasuusan doonaa in uu ahaa siyaasiga Soomaaliyeed, ee burburka kabacdi si geesinimo leh ugu dhiiraday, unabareeray in uu xil-wasiirnimo iska casilo, kadib markuu arkay in dhibka tagaan uusan waxba kaqabankarin, iyadoo kuwii kahoreeyey, kana dambeeyeyba aaneey waxba kaqaban, in xilka laga xayuubiyo maahanena aaneey qarashadiisoo kale muujinin. Cabdikariin tallaabadaasi biseylka leh, oo waliba madaxda qiimaha leh ee caalamka lagu yaqaano, Soomaalida qaar meeshii sharaf uu uga kasbanlahaa, waxeey si aan habooneyn, cadaalad darrona ah ugu shaabadeeyeen fashil iyo guuldarro, maxaa yeelay uma baran mana arag wasiir iskii mas’uuliyada culeyskeeda darteed isu casila, in la eryo mooyaane.

Waxaa sidoo kale lagu xasuusan doonaa in uu kadhiidhiyey dulmigii lagusameeyey gobolka Banaadir iyo caasimada Muqdisho, illaa eey saaxiibkiis Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isugu dheceen, oo waliba meel xun kukala gaareen, illaa warar sheegaya soobexeen in xildhibaannada Gal-Mudug ee xilla kaqaaday lagasoo abaabulay, dhaqaalana eey ku bixisey Villa Soomaaliya, si duruus loogu dhigo C/Kariin, laguna dareensiiyo in shalay dadkii wax kadhigay,maantana hadii loobaahdo ay bannaanka dhigikaraan.

Ugu dambeyn waxaa Cabdikariin lagu xasuusan doonaa doorkii muhiimka ahaa, ee uu kulahaa waxbarashada dalka, gaar ahaan gobollada Koonfureed ee dalka, xilli uu dalku kujiray xaalad aad uga adag tan maanta. WabillaahiTowfiiq.

Qoraa: C / Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin kaahaa. Al-Madinah International University. Abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota, USA.