Video: Haliista heshiika saldhigga Berbera iyo xaqiiqooyinka la qariyey

Columbus (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa 13-kii bishan baarlamanka Somaliland waxa uu si rasmi ah ugu ogolaaday inay saldhig milatari ka sameysato magaalada Berbera ee xeebta leh.

Heshiiska ayaa dhigaya in dowladda Somaliland ay dhul aan baaxaddiisa la shaacin oo ku yaalla waqooyiga magaalada Berbera, kuna dhow xeebta badweynta Indian Ocean ka kireysay dowladda Imaaraadka.

Imaaraadka waxay deked u gaar ah u dhisi doonaan saldhigga. Qalab kasta oo Imaaraadka ay kala soo degaan dekedda, wax canshuur ah lagama qaadi doono.

Haddaba aqoonyahan Abdisalam Haji Ismail ayaa waxa uu wareysi muhiim ah kaga hadlay halista uu heshiiskan u leeyahay Soomaaliya iyo wayxaabo badan oo dadka badankiis aysan ka war-hayn.

Arrimaha uu waraysigu ku ifinayo waxaaka mid ah

  1. Halista uu leeyahay saldhiga Milatery ee Berbera,
  2. Yaa saxeexay heshiiska,
  3. Heshiisku waxa uu qorayo maxaa loo qariyey.
  4. Somalia wax maka ogayd heshiiskan,
  5. Maxaa keenay in hadda la boobsiiyo,
  6. Sidee looga horgegi karaa

Wareysi oo dhameystiran hoos ka daawo.

Caasimada Online
Xafiiska Columbus
caasimada@live.com