Dhageyso Muuse Biixi: Farmaajo waa nooga duwan yahay madaxdii hore ee DF wixii uu sameeyey darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo ku soo baxay doorashadii 8-dii bishaan ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Muuse Biixi, ayaa yiri “Duco iyo habaar iminka midna oran meyno, laakiin ninkaa loo dabaal-degaayo ee Maxamed C/laahi, Madaxweynaha cusub ee la doortay wuxuu leeyahay waxyaabo uu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay, illaa intii Madaxweynaha laga dooranaayay uu ugu horeeyo Cabdiqaasim Salaad Xasan, C/laahi Yuusuf Axmed, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan-kii shalay ka degay.”

“Wuxuu ka mid yahay dhalinyaradii aadka ugu jilbeysanayd Taliskii Siyaad Barre, ee u soo shaqeysay, ee markii dalkaan Somaliland la duminaayay diblomaasiyiintii la lahaa, ee weliba New York joogay meel hoosaba ha jooggee, ee lahaa waxna lama layn, waxna kuma dhiman.”

“Iyadoo konton kun oo qof ku dhinteen Somaliland, oo labaatan kun oo ka mida Hargeysa aan ku aasay, raggii dafiraayay buu ka mid ahaa. Raggii wuxuu ahaa ku garamaayay in la duqeeyo xaq baa loo leeyahay, oo Soomaali bay duminayaan.”

“Madaxdii ka horeysay wada Soomaali bay ahaayeen, isagu waa muwaadin Mareykan ah, Madaxweynahiisa uu u dhaartay oo daacadda uu u yahay. Trump ninka la yiraahdaana toddobo dal, oo wixii af Somali ku hadlaa ka mid yahay ayuu ka mamnuucay dalkiisa inay soo galaan. Iyana waa qodob cusub oo isagana u yaala.”

“Isaga iyo Madaxweynahiisa uu muwaadinka u yahay waxay Soomaali u hayaanoo dhan iyo waxay Muslimka la diiday u hayaana, waa su’aal isaga u taala.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com