Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Erdogan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta magaalada Istanbul kula kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar-gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.

Farmaajo ayaa la wadaagay madaxweynaha Turkiga “guulaha” ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxay isla qaateen xoojinta muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta iskaashigooda ku dhisan ka wada-shaqaynta danaha labada qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika iyo Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen, isaga oo ku dhiirri-galiyey ganacsatadda Soomaaliyeed in ay wax soo saarka dalkooda u suuq geeyaan dalkiisa.

Ugu dambeyntiina Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyay Erdogan iyo shacabka Turkiga garab istaagga walaalnimo ee ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo Istaraatiiji ah, iyada oo labada Madaxweyne ay Salaaddii Jimcaha wada oogeen kuna ducaysteen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii