Midowga Musharaxiinta: “Waxaa rabnaa in beelaha baadidooda loo celiyo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka, Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaciyey in Golaha Mucaaridka uu rabo in hogaanka beelaha dib loogu celiyo maamulka kuraastooda.

Waxa uu sheegay in hadda sida ay wax u socdaan kuraasta baarlamaanka loo doonto madaxda dowlad goboleedyada, taasi oo meesha ka saareysa matalaada dhabta ah ee ay rabaan bulshada Soomaaliyeed, sida uu sheegay.

“Miisaanka lagu cabiro rajada guusha musharraxiinta xildhibaan waxay noqotay xiriirka kala dhexeeya madaxweynaha dowlad gobaleedka uu kursigiisa yaallo. In ka badan inta la waydiiyo ajandahooda siyaasadeed iyo qorshahooda waxqabad, waxaa la waydiiyaa sida ay isku yihiin madaxweynaha dowlad gobaleedka deegaan doorashadooda!,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Waxa uu intaas kusii daray “Murashax walba halka uu reerka wax ka doonan lahaa, madaxweynaha dowlad gobaleedka ayuu wax ka doontay! Waxaan rabnaa in kursiga loo doonto beesha loo asteeyay. Waxaan rabnaa in uu cabbirka noqdo guuxa beesha kursiga leh iyo sida uu murashax walba u kasbado.”

Daahir Geelle ayaa sheegay in xilligan loo baahneyn in beesha loo dooro qofka masiirkeeda iyo masiirka dalka matali lahaa, islamarkaana ay tahay inay ayada doorato oo soo xulato ciddii meteli laheyd.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Midowga Musharaxiinta si adag uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada dalka, gaar ahaan Golaha Shacabka oo ay qaadaceen, ayaga oo dalbaday in la hakiyo.

Golaha Mucaaridka ayaa doorashada Golaha Shacabka ku tilmaamay mid ku dhisan boob iyo awood sheegasho, kadib markii musharaxiinta qaar laga hor istaagay inay isku sharaxaan kuraastooda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii