Maxamed bin Salmaan oo la wareegay talada Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Kasoo billow soo dhoweynta madaxda caalamka illaa qabashada shir-madaxeedyo goboleed, Dhaxal-Sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa talada kala wareegaya aabihiis, wuxuuna noqday boqorka aan la boqrin ee Sacuudi Carabiya.

Ayada oo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo caafimaadka boqor Salman oo ku dhowaad 86 jir ah, Amiir Maxamed bin Salman oo 36 jir ah ayaa la waraagay taladii madaxtooyada, ayada oo boqorka aan fagaare lagu arag muddo fog.

Inkasta oo Amiir Maxamed loo arkay hoggaamiyaha dadban ee Sacuudi Carabiya tan iyo markii uu noqday Dhaxal-Sugaha June 2017, ayaa saameyntiisa sii kordheysay waxay heerkii ugu sarreeyey usoo muuqatay dhowaan markii uu la kulmay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo Riyadh yimid, sidoo kalena uu guddoomiyey shir madaxeedka Golaha Iskaashiga Khaliijka, Talaadadii.

Boqor Salman oo inta badan hoggaamin jiray shir sandeedkan, ayaan la arkin markan. 

“Fikradda ah in dhaxal-sugaha uu qaabilo madaxweynaha ama gudodomiye shir madaxdeed waxay dhacday oo kaliya marka uusan boqorka caafimaad qabin,” waxaa sidaas AFP u sheegtay Yasmine Farouk, oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Nabadda ee Carnegie Endowment for International Peace.

“Waxa hadda cusub ayaa ah in qaranka iyo wabaahintuba ay aqbaleen awoodo is-garab socda, ama xitaa kaalin muhiim ah oo uu yeeshay dhaxal-sugaha xitaa ayada oo boqorka uu waajibaadkiisa gudanayo.”

Tan iyo markii uu dunida ka dillaacay cudurka COVID-19, Boqor Salman ayaa deganaa magaalada cusub ee Neom oo ku teedsan Badda Cas. 

Kulankii ugu dambeeyey ee uu hoggaamiye caalami ah kula yeesho Riyadh ayaa dhacay March 2020, markii uu la fariistay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda UK Dominic Raab, halka safar dibadeedkiisii ugu dambeeyey uu ku tegay dalka Oman Janaayo 2020, si uu uga soo tacsiyeeyo geeridii Sultan Qaboos.

– Wejiga boqortooyada –

Amiir Maxamed bin Salman ayaa isku dayey inuu isu muujiyo mid u ololeeya Islaam qunyar socod ah, xitaa haddii sumcaddiisa ay dhaawac kasoo gaartay dilkii Jamaal Khaashuqji ee ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul 2018.

Wuxuu haweenka u ogolaaday inay socon karaan ayaga oo aysan wehlin muxramkooda, ayna wadi karaan babauurta. Wuxuu sidoo kale ogolaaday in shineemooyin laga furo dalkaas, iyo arrimo kale oo horey aan loo ogoleyn.  

Dhaxal-sugaha ayaa Sacuudi Carabiya u furay dalxiisayaasha iyo maal-gashiga dibadeed, si uu u kala duwo ilaha dhaqaale ee dalkaas oo hadda intiisa badan ku tiirsan dhoofinta shidaalka. 

Waxa uu xitaa si ka badan aabihiis ugu muuqday inuu u furan yahay xiriirka Israel, isaga oo ogolaaday in diyaaradaheeda ganacsi ay dul maraan hawada Sacuudiga. 

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ma aysan sheegin sababta Boqor Salman uusan u iman kulan madaxdeedkii Khaliijka ee Talaadada, gaar ahaan maadaama uu horraantii toddobaadka taleefishinka ka jeediyey khudbad uu kaga hadlayey miisaaniyadda dalka. 

Si kastaba, la-taliyaha dowladda Sacuudiga Cali Shihabi waxa uu sheegay in boqorka uu wanaagsan yahay balse uu taxaddarayey oo kaliya.

“Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijiyeen in boqorka uu caafimaadkiisa aad u wanaagsan yahay, uu jimcsi sameeyo maalin kasta, balse waa 86 jir aan jecleyn inuu xirto af-dabool, wuxuuna dabeecad u leeyahay inuu dadka gacan qaado oo uu salaamo, sidaas darteed waxaa la qaatay taxaddar dheeri ah oo dadweynaha looga fogeynayo,” ayuu Shihabi soo dhigay twitter-ka. 

– Xifaaltankii oo la xaaqay –

Ka hor kulan madaxdeedkii Golaha Iskaashiga Khaliijka, Maxamed Bin Salman wuxuu safar kusoo maray gobolka isaga oo lasoo kulmay madaxda dalalka ku jira golaha. 

“Go’aan kasta oo hadda ka dhaca xarunta boqortooyada waxaa loo maraa xafiiska dhaxal-sugaha,” waxaa sidaas AFP u sheegay diblomaasi reer galbeed oo codsaday inaan la magacaabin.

“Boqorka hadda iyo wixii ka dambeeya ma muuqdo…Maxamed bin Salman wixii hadda ka dambeeya sugi maayo inuu boqor noqdo, waa boqorka ku sugan madaxtooyada.” 

Marinka Maxamed bin Salman u marayo carshiga boqortooyada muddo waa uu caddaa, ayada oo aysan muuqan wax cabaqad ah kadib markii uu mid mid u siibay kuwii la xifaaltamayey.

“Ma jiro il mucaarad oo ka dhex muuqata gudaha iyo banaanka boqortooyada,” waxaa sidaas yiri Xuseen Ibish oo ah khabiir Bariga Dhexe oo fadhigiisu yahay Washington. 

“Maxamed bin Salman dhab ahaantii hadda sidii hore waa ka muuqdaa kana awood badan yahay.”