Xog: Shir hadda u socda Midowga Musharaxiinta, Rooble iyo Madax Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in caawa ay shirayaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada iyo Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah.

Shirka ayaa ku qabsoomaya aalada Zoom-ka, waxaana looga hadlayaa, sida aan xogta ku helnay, caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan hufnaan la’aanta iyo sidii loo sixi lahaa madmadowga hareeyey doorashada Soomaaliya.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo horay u soo saaray qoraal ay ku cadeeyeen qaladaadka ku jira doorashada ayaa caawa toos ugu gudbinaya Golaha Wadatashiga Qaran, mowqifkooda ku aadan doorashada socota oo ay horay u dalbadeen in la hakiyo.

Majirto cid dheg jalaq u siisay dalabkii hore ee Midowga Musharaxiinta oo ahaa in la hakiyo doorashooyinka dalka, maadaama uu ku socdo boob xoog leh.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu  hoggaamiyo ayey musharaxiintu caawa toos uga dalbanayaan inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu saxayo boobka ku socda doorashada dalka, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horay u balanqaaday in cabashooyinka ka yimid doorashada uu wax qabayo, balse illaa hadda ma jirto hal tallaabo oo uu qaaday, si wax looga bedelo hanaankaan kalsoonidii musharaxiinta lumiyey doorashadu ku bilaabatay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii