Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka R/W Xamza iyo safiirka Sacuudiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Saalax Al-Muwallad,.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka mahad-celiyay doorka Boqortooyada ee arrimaha la xiriira horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.

Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta loo sameeyay.

Danjire Al-Muwallad oo dowladda Sacuudiga ay soo magacowday sanadkii hore ayaa waxa uu ka shaqeyn doonaa xoojinta xiriirka haatan ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga oo leh iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.