Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Villa Somalia ee Farmaajo, Xasan iyo Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta mar kale Madaxtooyada Somalia gaaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo lagu wado in maalmaha soo socda uu la wareego xilka.

Madaxweynaha ayaa waxaa Madaxtooyada kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kawada hadleen xaaladaha uu dalka marayo iyo fursadaha dowladda cusub heysato.

Xasan Sheekh ayaa Madaxweynaha warbixin kooban kasiiyay xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka waxa uuna ku baraarujiyay inuu sii ambaqaado howlaha Qaran ay horay ay usoo qabatay Dowladiisa.

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale, Madaxweynaha uga warbixiyay muhiimadda dowladda cusub iyo fursadaha hor yaalla xiligaan, waxa uuna ku dhiiragaliyay in Dowladiisu ay xooga saarto Amniga, Cadaalada iyo Horumarka oo qabyo ah.

Intaa kadib Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa kulankooda ku biiray Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari, ayaa isna sharaxaad kooban ka bixiyay howlaha Baarlamaanka cusub iyo sida Xildhibaanada Baarlamaanka ay uga qeybqaadan lahaayen isbedelka cusub ee kusoo saa’iday dalka.

Jawaari ayaa Madaxweynaha u sheegay in dowladda cusub ay heysato fursad dalka ay ku nabaddeyn karto, kuna gaarsiin karto hiigsiga 2021-da si dimoqoraadiyad leh.

Jawaari, waxa uu Madaxweynaha u sheegay in dhibaatooyinkii heystay Dowladihii hore ay kamid aheyd la shaqeyn la’aan ka heysatay dhanka Shacabka waxa uuna cadeeyay in iminka Dowladaani ay hanatay Shacbiga Soomaaliyeed taa oo suuragalinkarta in Dowladu ay ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay.

Sidoo kale, kulanka inta uu socdey waxaa la isku soo qaadey munaasabadda xil wareejinta ee dhici doonta maalinta barrito ah oo ay Tr tahay 16-ka Feberaayo 2017-ka, sida loo diyaariyey iyo dhammeystirkeeda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka soo hoggaaminayey, guulihii la gaaray iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya ku lataabsatay, waxa uu sheegay in dowladdiisa cusub ay ku sii dari doonto dedaal dheeri ah, isla markaana ay ka shaqeyn doonto Soomaaliya oo wadajirta in ay guuleysato.