Xog: Buuq ka dhacay Villa Somalia iyo ciidamo diiday Xasan oo xabsi la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya uu ka dhacay buuq la xiriira sugidda amniga madaxweynihii hore ee Soomaaliay Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan Sheekh uu madaxweyne Farmaajo ka codsaday in dowladda ay lacag ku bixiso sugidda amnigiisa, islamarkaana mushahar siiso ciidamada ilaalin doonaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu aqbalay codsiga madaxweynihii hore, islamarkaana la isku raacay in Xasan Sheekh loo ogolaado illaa 40 askari oo suga amnigiisa, lacagtana ay bixiso dowladda.

Si kastaba, qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada ka ahaa madaxtooyada ayaa la sheegay inay diideen inay raacaan madaxweynihii hore, una wareegaan guri uu ku leeyahay agagaarka madaxtooyada oo la sheegay inuu degi doono.

Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamada ay ku andacoodeen inay ka cabsi qabaan in haddii ay Xasan Sheekh raacaan aysan heli doonin mushaharkooda, halka qaar kalena ay sheegeen inay door bidayaan inay sii joogaan madaxtooyada.

Qaar ka mid ah ciidamada ayaa la sheegay in la xiray, ayada oo lagu eedeeyey amar-diido, waxaana kadib madaxtooyada ka dhacay buuq halis gelin karay amniga iyo kala dambeynta xarunta.

Xasan ayaa la sheegay in ugu dambeyn ay ogolaadeen qaar ka mid ah ciidamada, ayada oo weli la isku dayayo in qaar kale laga dhaadhiciyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com