Sawirro: Maxaabiis Soomaaliyeed oo xornimadooda dib u helay laguna soo dhoweeyey…

Boosaaso (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in hannaan diblumaasiyadeed oo dadban ay dib ugu soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Iran.

Tirada maxaabiistan oo gaareysa 24 ayaa laga dajiyey magaalada Boosaaso  ee xarunta Gobolka Bari kaddib sannaddo badan ay u xirnaayeen Dowladda Iran oo ku eedaysay in ay si sharci darro ah uga dhoofin jireen shidaalka.

Diblumaasiiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin xiriir toos ah oo ka dhexeeya Iran iyo Soomaaliya, balse sidii muwaadiniintan Soomaaliyeed dalkooda dib loogu soo celiyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala kaashatay Dowladda Turkiga oo saaxiib dhaw la ah labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Iran.

Qaar ka mid ah ehelada maxaabiista soo gaaray Boosaaso ayaa sheegay  in dhowr jeer uu dib u dhac ku yimi soo celintooda, taas oo salka ku heysay go’aankii Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka Iran sanadkii 2016kii.

Sii deynta dhallinyaradan ku xirnaa dalka Iran ayaa ka mid ahayd codsiyada Madaxweyne Farmaajo ay u soo gud biyeen qaar ka mid ah bulshada iyo duubabka dhaqanka ee Puntland xilli uu booqasho ku maraayey deegannadaas bilowgii sanadkan.

.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRADA.