Waligaa ma aragtay mase maqashay wabiga dunida ugu nadiifsan? Waxaan aqristayaasheena Caasimada.com maanta usoo gudbinaynaa waxyaabaha dunida kajira oo layaabka dunida kamid ah.
Waligaa ma argatay webiga dunida ugu biyo cad ama haddaan si kale u dhaho ugu nadiifsan?. hadaba webigan magaciisa waxa la dhahaa Virzasca, wuxuuna ku yaallaa waddanka Switzerland.
Webigan waxa lagu tiriyaa webiga caalamka ugu nadiifsan, taasi oo qofku awoodo inuu arko wax kasta oo gudihiisaku jiraa, xitaa haddii ay kaa fog yihiin masaafo dhan 15 mitir.
Marka aad eegto waxaadba isku moodaa inad dhalo nadiiif ah biyo lagu dhex shubay aad fiirineyso oodanba webi ku dhex jiri. hadaba aan idiinkala dhexbaxo adinka iyo sawirada wabigan adinkaa yaabi doonee.
W/Q: Mowliid Yare
Xafiiska Caasimada Online Hyderabad, India