Sawirro: Maxay Angela Merkel kusoo aragtay magaalad Addis Ababa

Muqdisho (Caasimadda Online)-Angela Merkel oo ah Ra’iisal wasaaraha dalka Jarmalka, ayaa booqasho kadis ah ku tagtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Angela Merkel, ayaa markii ay gaartay dalka Ethiopia kulamo kala duwan la qaadatay Madaxda ugu sareysa dalkaasi oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal, Siyaasada, Amniga iyo Kacdoonka dalkaasi ka socda.

Angela Merkel, ayaa kulan guud kadib mid gaara la yeelatay Ra’isal wasaare Hailemariam Desalegn, waxa uuna warbixino kooban ka siiyay xaalada dhabta ah ee dalkiisa.

Angela Merkel ayaa Dowlada Ethiopia uga digtay in si fool-xun ay ula dhaqanto dhinacyada kasoo horjeeda Nabadda, waxa ayna ku talisay in mar waliba loo jilicsanaado wadahadal lala furaa Mucaaradka.

”Waa dhab inuu sii xoogeysan doono kacdoonka haddii ay dhacdo in ciidamadu ay awood ku maquuniyaan dadka shacabka ah, waxaan ku baaqayaa in loo diir naxo shacabka wadahadalna lala furo dhinacyada mucaaradka ah”

Sidoo kale, Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa si cad u beeniyay in dowladiisu ay awoodo xad dhaaf ihi u adeegsanayso mucaaradka.

Waxa uu sheegay inuu aqbalaayo soo jeedinta Mr Angela Merkel, waxa uuna sidoo kale ballanqaaday inay wadahadal la furi doonaan dhinacyada cabanaaya.
Angela Merkel, Hailemariam Desalegn
Angela Merkel
an-3
German Chancellor Angela Merkel arrives at National Palace in Addis Ababa
Angela Merkel, Hailemariam Desalegn
an-6

Angela Merkel, Hailemariam Desalegn

Angela Merkel, Hailemariam Desalegn

Angela Merkel, Hailemariam Desalegn

an-10

Ethiopian Prime Minister Desalegn and German Chancellor Merkel listen to national anthems at the National Palace in Addis Ababa

German Chancellor Angela Merkel gestures next to Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn during a news conference in Addis Ababa

an-13